Ciidamada badda dalka Liibiya ayaa badbaadiyey muhaajiriin Africaan ah oo doon ay la socdeen ku cilladowday xeebaha dalkaasi.
Ayuub Qaasimi oo ah afhayeenka ciidanka badda dalka Liibiya ayaa sheegay in ay ciidankoodu soo badbaadiyeen 158 muhaajiriin ah, kuwaasi oo marayey meel 26 mayl ka baxssan xeebta magaalada Al-khonis.
Waxa uu Afhayeenka sheegay in dadkan doonidii ay la socdeen ay cillad soo wajahday, islamarkaana ka gaareen xilli ay xaaladooda meel halis ah mareysay.




From the comments