Goobjoog

Al-shabaab Oo Gacanta Ka Gooyey Wiil Dhallinyaro Ah

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose. Wiilkan gacanta laga jaray ayaa lagu magacaabaa Maadey C/qaadir Cali, waxaana lagu eedeeyey…

Al-shabaab Oo Gacanta Ka Gooyey Wiil Dhallinyaro Ah

Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay fagaare ku yaalla deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wiilkan gacanta laga jaray ayaa lagu magacaabaa Maadey C/qaadir Cali, waxaana lagu eedeeyey in uu lacag ka xaday goob ganacsi oo ku taalla tuulada Dharkeenley oo hoostagta degmada Qoryooley.

Shaqsiga Al-shabaab u ahaa qaadiga ayaa sheegay in Maadey uu dambigiisa qirtay sidoo kalena lagu helay caddeyn buuxda, sidaasina uu ku muteystay in gacanta laga jaro.

Al-shabaab ayaa deegaannadaq ay ka arrimiyaan waxay ka fuliyaan xukunno isugu jira toogasho, gacmo iyo lugu jaris.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments