Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay kusoo bandhigeen Afar Maxaabiis ah oo laga soo daayey xabsiyo ku yaalla Puntland, kuwaa oo xirnaa in ka badan 10 Bil.
Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa waxay maxaabiistan ku wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan, waxgarad iyo gaadiidleyda gobolka.
Agaasimaha wasaaraddan Maxamed Diirow ayaa sheegay in Puntland uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee ay u aqbaleen dalabkooda ah in loo soo daayo maxaabiistan oo aan dambi lahayn, isaga oo tilmaamay iney yihiin xor, islamarkaana aanu jirin xabsi kale oo u dhimman.




From the comments