Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii Soomaalida ee dhowaan kusoo dhammaaday magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Waxa uu sheegay in dhankooda aanay wax shaqo ah ku lahayn shirkaasi, islamarkaana u arkeyn inuu yahay shir si gaar ah loogu qabanayey Soomaalida, maadaama iyagu ay sheegaan in Soomaaliya ay ka madaxbannaan yihiin.
Waxa uu tilmaamay Biixi in Caalamka ay u sheegeen in shaqo aanay ku lahayn shirkaasi, islaamrkaana wixii Somaliland la siinayo si toos ah iyaga loo soo marsiiyo.




From the comments