Wararka laga helayo Puntland ayaa waxay sheegayaan in xeebaha maamulkaasi uu ku dhintey Nin Kallumeysato ahaa, iyadoo sidoo kale la la’ yahay Shan kale oo isaga la socotay, waxaana ay saarnaayeen doon nooca Kalluumeysiga ah.
Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijisay in la helay meydka Halka qof, sidoo kalena nolol iyo dhimasho midna aan lagu hayn Shantii kale.
Dadkan ayaa la tabay kadib markii la waayay xilligii ay shaqada kasoo laaban jireen, iyadoo baadigoob ka dib la helay Hal qof, welina waxaa socda dedaallo kale oo lagu raadinayo dadkan.




From the comments