Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in rajo wayn uu ka qabo in la ictiraafo Somaliland isla markaana ay xaq tahay ictiraafka Somaliland.
“Rajo wayn baan ka qabaa, waxaan hubaa sida wadkayga aan u hubo in Somaliland la ictiraafayo, waayo waa xaq baadil maaha, Somaliland dooni mayso wax aanay lahayn waxay doonaysaa kaliya waxay leedahay..” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Saca Cali Shire.
Sacad Cali Shire waxaa uu sheegay in Somaliland ay ahayd waddan madax-banaan oo waddan kale ku darsamay hase ahaatee uu Xaqsoor iyo wanaag uu ka filaayay ka waayay waddankii ay la midoobeen.




From the comments