Shalay, magaalada Abu Dhabi waxaa kulan ballaaran ku yeeshay madaxda ugu sarreysa ee dalalka Itoobiya, Eretria iyo Imaaraadka, iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirkooda iyo sidoo kale tan gobolka.
Hadaba su’aasha meesha taagan ayaa waxay tahay saameynta kulankaan uu ku yeelan karo Soomaaliya, maadaama la ogyahay in aanu wanaagsaneyn xilligaan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Axmed C/risaaq Qamsa waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo waxbadan kala socda arrinta gobolka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya arrintaan si weyn u saameyn karto.




From the comments