Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ku aadi doona magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Waxaa Garoowe guud ahaan laga dareemayaa diyaargarowga loogu jiro soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha, iyadoo ammaanka guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyey.
Waxa uu Kheyre sidoo kale booqan doonaa inta uu ku sugan yahay Puntland, magaalooyin ka tirsan magaaladaasi.




From the comments