Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Qatar oo Maanta Khudbeynayay ayaa sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu tilaamay in Xisbigaan uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Mahdi oo la hadlayey axsaabta waxaa uu yiri “Xisbiyada qaar waxaa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo, in dowladda looga fadhiyo xisbigooda inay dhisato, xisbi weyn, weyn ilaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka ha isla jiro, yaa ha is dhiganina xisbiyada is-diiwaan-geliyay , yaanan la idiin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey”




From the comments