Golaha wakiillada ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ansixiyay guddidag xuquuqul aadanaha oo ka kooban 7 xubnood, kuwaas oo uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Ururada u doodda xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa horay u sheegay in ay ka waalacsan yihiin qaabka loo soo xulay guddigan.
Ururada ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu dib ugu noqdo qaabka uu usoo xulay xubnahan guddida xuquuqul aadanaha ee Somaliland.




From the comments