Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay degdeg ku xalliso mad madowga soo kala dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasi oo ka dhashay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu codsaday in xayiraadda laga qaado Eretria.
Waare ayaa sheegay iney aad uga xumaadeen hadalkaasi, islamarkaana ka maamul ahaan ay aad u taageersan yihiin shacabka iyo dowladda Jabuuti.
Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Jabuuti ay yihiin walaalo dhab ah oo wax walboo dhaca aan lagu kala hari doonin.




From the comments