Aqoonyahan Bashiir C/qaadir oo ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo aanu ka fiirsan safarkii uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Waxa uu sheegay Bashiir in muhiim ay ahayd marka hore in la eego waxa ka imaan kara safarkaan ka hor inta aan la aadin.
Dowladda federaalka ayaa sheegay inuu dhacay gef diblomaasiyadeed, islamarkaana safarkaasi lagu xumeeyey dowladda Jabuuti.




From the comments