Golaha Yurub ee loo yaqanno The European Council (EC) ayaa go’aamiyey inuu kordhiyo waqtiga howl-galka ilaalinta midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya(EU NAVFOR Somalia) ee lagula dagaalayo burcad-badeedda Soomaaliya ilaa 31 December 2020-ka.
Howl-galkan (EU NAVFOR Operation Atalanta ) waxaa uu ujeedkiisu ahaa inuu ka hortago howlaha burcad badeedda, afduubka maraakiibta iyo arrimaha kale ee ka jira xeebaha Soomaaliya.
Howl-galkan oo bilowday 2008-dii, danta ugu weyn waxaa ay aheyd in si nabad galyo leh ay maraakiibta gargaarka ku yimaadaan Soomaaliya, in si nabad looga kaluumeysto xeebahaha kadibna waa la ballaariyey oo waxaa lagu daray in si nabad galyo ah ay dunida isticmaali karto biyaha Soomaaliya.




From the comments