Xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo ee dhanka Puntland ayaa sheegay in la iibsaday hantidii dadweynaha oo ay ka mid yihiin Suuqyo iyo xarumo ay horay u deganaan jirtay Wasaaradihii Soomaaliya.
Xildhibaan Aweys Axmed Salaad oo ka mid ah golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in hantida guud laga iibiyay Shakhsiyaad gaar ah mar uu arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri.
“Dulalkii ay degmado laheyd waxaa laga iibiyay dad gaar ah dhulkii dowladda ayaa la gaday hadda ka hor ayaa hor istaagnay iyada oo la iibinayo dhulka dowladda iyo xarumaha danta guud hantidii dowladda sidaas ayaa gacantii looga bixiyay”.



From the comments