Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka taagnayd Ukun la’aan taasi oo inta badan laga dareemay goobaha laga cunteeyo iyo guryaha Magaalada.
Dadka Ukunta aadka u isticmaala ayaa walaac xooggan ka muujiyay Ukun la’aanta ka dhacday Magaalada Hargeysa, waxaana xilliyadan ku badan Magaalada dadka qurbaha ka yimid maadaama lagu gudo jiro xilligii xagaagga.
Sababta keentay Ukun la’aanta ayaa lagu sheegay shirkadihii dalka dibaddiisa ka keeni jiray oo aan keenin maalmihii u dambeeyay, wallow ay jiraan shirkado gudaha ah oo Ukunta laga helo haddana waxaa la sheegayaa in ay kala badatay baahidii dadka iyo awooddoodii.




From the comments