Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu xilkaan iska casilay.
Qoraal kooban uu xoghaye Macallin soo dhigay Twitter-ka ayuu ku sheegay in is casilaadiisan ka dambeysay kadib markii wadashaqeyn xumo dhex timid isaga iyo wasiirka wasaaraddan.
Ma jirto faah faahin kale oo uu kasii bixiyey inuu xilkaan iska casilay.




From the comments