Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta booqday Iskuul-ka “Maandeeq Academy”, waa iskuul uu muddo ka hor ka hirgeliyay magaalada Caadaado si ay wax ugu bartaan caruurta dadka danyarta ah.
Iskuulakan oo ku dhex yaalla kaamka Badbaado oo ka mid ah kaamamka ugu waaweyn ee dad barakacayaal ah ay ku noolyihiin ee magaalada Cadaado ayaa waxaa wax ka barta 250 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho.
Gudoomiye Abshir Maxamed oo jimcihii gaaray Cadaado ayaan iskuulka u tagay si uu u eego heerka waxbarasho ee ardayda iskuulka wax ka barata.





From the comments