Warbixin talaadadii hore lagu daabacay majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy, loogana hadlay arrimo ku saabsan in Al-shabaab adeegsato shirkadda iyo is-dhageysiga ayaa waxa ay shirkadda Hormuud ka soo saartey jawaab kulul.
Qoraalka oo aad u dheeraa waxaa lagu bilaabey “Hormuud waxa ay aad uga xun tahay maqaalkii dhawaantan ee Majaladda Foreign Policy ee uu qoray Amanda Sperber, cinwaankiisuna ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ kaasi oo uu qoraagu isku dayay in uu magac dilo astaanteenna tayo iyo adeegyadeenna” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku qornaa Af Ingiriis.
Bayaanku waxa uu intaas ku daray, “Hormuud waxa ay aad ugu faaneysaa doorka togan oo ay sii wado, kaasoo ah isku xirka dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba..waxa aan bixinnaa adeegyo isgaarsiineed oo tayo leh laguna kalsoonaan karo, oo si sharci ah ay u helaan dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo ciidamada qalabka sida.”




From the comments