Maamulka gobolka gobolka Hiiraan ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe ay hadalhayeen bulshada gobolkaasi, kuwaasi oo ahaa in khilaaf uu kala dhaxeeyo maamulka magaalada B/weyne.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda ee maamulka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in warkaasi uu yahay mid ay fidiyeen dad aan horumarka reer Hiiraan rabin, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay Xasan Ibraahim in safarkii ay ku tageen magaalada Jowhar uu ahaa oo kaliya tababar ku saabsanaa maamul wanaagga ee aanu ahayn in lasoo xalinayey khilaaf ka dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo kan B/weyne.




From the comments