Kismaayo: Dad Ku Dhintay Kaawo Soo Duntay
Sheeko:Dalka

Saddex qof ayaa geeriyootey tiro kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay kusoo duntay Kaawo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.
Dadka dhintay ayaa hoosta uga jiray buur dhagax ah oo ay Kaawo ka qodayeen, iyadoo dadka dhaawaca ahna la geeyey Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo.
Kaawada soo duntay ayaa waxaa ay ku taalaa dhanka Koonfureed ee Magaalada Kismaayo waxaana ku hoos jiray marka ay soo dumeysay dad ka shaqeeya dhagaxaanta Guryaha.
Goobjoog News