Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalintii Labaad ka soconaya shirka wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Shirkan ayaa shalay ka furmay magaalada Kismaayo, waxaana ka qeybgalaya wasiirro iyo wasiirroo ku xigeen iyo agaasimayaal ka kala yimid maamul goboleedyada dalka ka jira.
Waxyaabaha shirkan looga hadlayo waxaa kamid ah wadaagga kheyraadka, arrimaha canshuuraha, wadaagga deeqa caalamka iyo arrimo kale oo muhiim ah.




From the comments