Dabaylo xooggan oo saacadihii ugu dambeeyey ku dhuftey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sababay dhimasho iyo burburka guryo badan.
Hal qof oo ka mid ahaa dadkii ku xoolo beelay abaarihii ku dhuftay Puntland islamarkaana qoyskiisa uga xamaalan jiray Garoowe ayaa ku dhintey dabaylahan kadib markii uu kusoo dumay guri dhagax ah oo uu jiifay.
Ninka dhintey ayaa lagu magacaabayey Maxamuud Saciid Ganaase, iyadoo ehladiisa ay sheegeen in uu ifka kaga tagay Afar carruur ah iyo hooyadood.




From the comments