Sida uu qorshuhu yahay Soomaaliya waxaa la doonayaa in ay u gudubto Nidaamka Xisbiyada badan, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay Xisbiyo gaaraya ilaa labaatan.
Weli waxaa soconaya diiwaangalinta Xisbiyada haddaba doorashada Soo socota nidaamka Xisbiyada badan malagu gaari karaa waxaa ka jawaabaya guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Shakhsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed Maxamuud maxamed.
“Guddiga doorashooyinka Qaranka waxaa uu meelmariyay ilaa dhowr xisbi haddana isdiiwaangalintii waa ay socotaa koley waxaa socda tartan ku aadan sidii umadda Soomaaliyeed ay ugu gudbi lahaayeen nidaamka doorashooyinka Axzaabta badan”.




From the comments