Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim oo ahaa guddoomiyahii maxkamadda racfaanka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa kasoo horjeestay kala diris ay baarlamaanka Hirshabelle ku sameeyeen guud ahaan garsoorka gobolkaasi.
Waxa uu sheegay isaga oo la hadlay Goobjoog News, in aanu sharci u lahayn baarlamaanka maamulkaasi inuu kala diro, waxaana dhanka kale waxbo kama jiraan ku sheegay eedeynta loo soo jeediyey garsoorka gobolkaasi.
“Waxaan ka maqlnay idaacadaha in la kala diray garsoorka gobolka, sharci ahaan shaqo kuma lahan baarlamaanka, midda kale eedeyn aan loo meel dayin ayeey usoo jeediyeen guud ahaan garsoorka iyaga oo aan xitaa baaritaan dhab ah sameyn oo kala ogaan dadka qaladka sameeyey iyo kuwo sida daacadda ah bulshada ugu shaqeynaya” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments