Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan ayaa waxbo kama jiraan ku sheegtay kala diris dhowaan uu baarlamaanka Hirshabelle ku sameeyey Garsoorka Hiiraan.
Guddoomiyaha Maxkamaddan Ibraahim Xasan C/lle ayaa Goobjoog News u sheegay in shaqada Maxkamadda ay si caadi ah u socoto, baarlamaanka maamulka Hirshabellena aanu shaqo ku lahayn kala dirista garsoorka.
Mar uu arrintaasi ka hadlay guddoomiyaha waxaa uu yiri “ Arrinta baarlamaanka wax saameyn ah kuma yeelan Maxkamadda haddana waa ay socotaa shaqada si loo magacaabay Wasiirka halmar xitaa nooma imaanin, wasiirna awood uma lahan in uu garsoo kala diro shaqdiisana Maahan”.




From the comments