Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furantay carwada buugaagta ee“Mogadishu Book Fair” sanadkiisa 4aad, iyada oo ay isugu iman-doonaan qoraayaasha gudaha iyo dibadda ah, waxaa kale oo goobta tagi-doona dadka jecel qoraalka iyo akhriska.
Carwada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair oo 3 maalin socon-doonta waxaa la bilaabay 2015-kii, iyada oo Muqdisho ku soo kordhisay xamaasad in dhalinyradaha wax qoraan, waxna akhriyaan.
Carwadan waxaa soo qaban-qaabiyay New Horizon, qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in halheys-ka sanadkan yahay “Literature and Expression in Education” oo ah in suugaanta lagu cabirro waxbarashada, iyaga oo laga hadli-doono kaalinta suugaanta ka qaadan karto waxbarashada iyo guud ahaan aqoonta.
Dadka ka soo qeyb-galaya waxaa ka mid aha: Cabdi Latif Ega oo qoraaga Guban, Axmed Yusuf, waxaa kale oo ku jira Professor Mareykan ah ee Paul. D Williams kaas oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia..oo howl-galka AMISOM 2007-2017.
Dadka kale, waxaa ka mid ah Dr. Cali Abubakar, oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale.
Sanadkan waxaa lagu soo daray qeyb caruurta iyo wax akhriska ah, waxaana laga geli-doona doodo arrinkan la xiriira.
Wararka, Carwada kala soco, Goobjoog
Goobjoog News