Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta o Khamiis ah uu safar ugu ambabaxo Jamhuuriyadda Jabuuti.
Warka waxaa warbaahita u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo sheegay in madaxweynuhu uu maanta u socdaali doono Jabuuti.
Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro, Xildhibanno iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu imaanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyayba uu jiray mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhex-galay Labada dowladdood Soomaaliya iyo Jabuuti kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara.




From the comments