Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil Maraykan ah ayaa kulan ku yeeshay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana kulankaan uu ahaa mid looga hadlayey arrimo ku aadan ammaanka iyo sidoo kale diyaarinta xarun ay degaan ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Maxamuud Cismaan Cabdulle oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in kulankan ay wadayeesheen madaxa xukuumadda Galmudug, guddoonka baarlamaanka maamulkaasi iyo saraakiishan ka socday Maraykanka.
Waxa uu tilmaamay afhayeenka in la isla gartay ciidamada Danab howlgallo ay ka billaabaan deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Galmudug.




From the comments