Maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in canshuuraha ay ka qaadaan magaaladaasi ay dib ugu celiyaan bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Cismaan Qallaafow ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in shacabka ay hadda la socdaan waxyaabaha uu maamulka u qabto.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay qabteen welina ay wadaan ayuu sheegay iney tahay dib u dhiska magaalada sida waddooyinka.




From the comments