Olgan Bekar safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in Turkiga aanu dal kale tartan kula jirin sidii xal looga gaari lahaa ama looga shaqeyn lahaa xasiloonnida Soomaaliya.
“Weligeen Soomaaliya cidna kulama tartamin, Turkiga waxaa uu helay jaceylka iyo kalsoonida dadka Soomaalida ah wixii ka dambeeyay 2011-kii” sidaasi ayuu sheegay Bekar oo meesha ka saaray inay loolan kula jiraan dalal kale.
“Turkiga boos fiican ayuu ka joogaa dadka Soomaalida ah, ujeedkeennu waxaa sidii aan dadka Soomaaliyeed ugu caawin laheyn xanuunkii ka soo gaaray dagaalladii sokeeye ee 1991kii” isaga oo intaasi raaciyey in dib u dhiska Soomaaliya u baahanyahay in wax walbo meel hoose laga soo bilaabo.




From the comments