Musharraxa madaxweynaha maamulka K/galbeed, Aadan Maxamed Nuur Saransoor ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News waxa uu kaga hadalay arrimo aad u badan oo ku aadan doorashada la filayo in dhowaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay Aadan Saransoor in ay ka walaacsan yihiin madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale nidaamka doorashada loo mari doono.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanu waxbo qaban Shariif Xasan Sheekh Aadan mudadii uu shaqeynayey, loona baahan yahay isbedal dhab ah.




From the comments