Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa hadlay markii ugu horeysay isaga oo sheegay inuu xoogga saarayo arrimaha Cadaaladda iyo xuquuqul insaanka.
Mustaf Muxumed Cumar oo arrintaas ka hadlayo waxuu yiri“in cadaalad lagu dhaqo, in aanu noqon kaligii talis, isagu talada ka timaado ku hoggaamiyo, in dhammaan jaran-jarooyinka dowladdu sida ay u kala sareeyaan ay mid weliba shaqadiisa u madaxbannaanaato, oo talada aan shakhsi uun noqon, oo ay noqoto mid dadka oo dhan ay talinayaan, taasi aniga ayey i bad-baadineysaa in aanan qaladaad gelin, adinkana waa idiin bad-baadineysaa”.
Arrimaha xuquuqul insaanka iyo cadaaladda waxaa ka yiri “Ugu horeyn, waxa ii qorsheysan waxaa uu ahaa xuquuqul insaanka in wax laga qabto, in la is-cafinno wa muhiim, in wixii hore ee dhacay ka tagno waa muhiim, laakin hadana dadkii ay dhibaatooyinka ku dhaceen inay dareemaan inay bulshada ka mid yihiin waa muhiim…kuwii dhibka ku dhacay in wax loo qabto si ay bulshada ula sinnaadaan”.




From the comments