Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa u digey dad uu sheegay in ay huriyaan dagaal beeleedyada ka jira deegaanno ka mid ah gobolkaasi.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney isku dirto beelaha wada deggan gobolkaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda uu wado dedaallo badan oo lagu xallinayo colaadaha, islamarkaana ay wadaa dib u heshiisiin.




From the comments