Siyaasiyiina kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in maamulka iminka talada haya ay caburiyaan shacabka ku dhaqan deegaannada Jubbaland.
C/wahaab Cismaan Cadaawe oo ka mid ah siyaasiyiintan ayaa u sheegay Goobjoog News in madaxda ugu sarreysa ee Jubbaland aysan waxbo ka qaban dhibaatooyin dhacay.
Waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Axmed Madoobe uusan aqbaleyn in laga hadlo dhibaatooyinka ka jira Jubbaland, islamarkaana la xirayo cid walbo oo ku sugan Kismaayo misane diidda ammarka madaxweynaha maamulkaasi.




From the comments