Theresa May, ra’isul wasaaraha Ingiriiska oo maanta booqasho ku timid dalka Kenya ayaa halkaasi ka sheegtay lacago ay UK siin-doonto Soomaaliya.
May waxaa ay Soomaaliya horay ugu soo qaaddey £7 million($9.1 million) oo lagu maal-gelinayo howl-galka AMISOM, waxaa wehliya £60 million oo wax looga qaban-doono arrimaha banii’aadnimada iyo £25 million oo ah taageero toos ah oo la siin-doonno dowladda federalka ah.
May, waxaa ay booqatay xarun ay ku jiraan ciidamada UK oo ku taallo Nairobi, ciidamadan oo tababar siiya kuwa Soomaaliya sida loo furfuro qarxa.




From the comments