Dhageyso: Ganacsato Soomaaliyeed Oo Lagu Boobay Hantidooda Koonfur Afrika, Codsina U Diray DFS
Sheeko:Dalka

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa ka codsaday dowladda federaalka iney wax ka qabato dhibaatooyinka loogu geysanayo dalkaasi.
Yaxye C/casiis oo ka mid ah ganacsato hantidooda lagu boobay dalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan jirin cid wax u qabatay ama gurmad u sameysay xilliga hantooda la dhacayey.
Yaxye waxaa uu tilmaamay in boobka lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed oo aad u soo badanayo isaga oo intaas ku daray in loo qabtay waqti ay uga guuraan goobaha ay deganyihiin.
Halkaan hoose ka dhageyso codka
Goobjoog News