Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.
Xogtaan ayaa noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah.
Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu qabtay Munaasabadda daah rogga waxaa ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntaCilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi.




From the comments