Qoysas kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka Sh/hoose kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka ka dalbaday gurmad degdeg ah oo dhanka nolosha ah.
Waxay sheegeen qoysaskan in aanay haysan cunno, biyo iyo meel ay ku hoydaan islamarkaasna waxaa ay ka codsadeen dowladda fedaraalka in ay la soo gaarto kaalmo degdeg ah.
Dadkan ayaa waxaa ay ka soo barakaceen Sh/hoose waxaana Magaalada Muqdisho ku heysata daruuf nololeed oo aad u adag waxaa ayna tilmaameen tan iyo markii ay yimaadeen in aysan helin wax gurmadka ah.




From the comments