Ururka haweenka Puntland ayaa baaq ka soo saaray soo xulista xildhibaannada maamulkaasi oo muddo kooban ay ka harsan tahay.
Xilli Puntland ay ku soo fool leedahay doorashada baarlamanka Puntland bilaha soo socda haatana ay socoto soo xulista golayaasha degaanka ayaa waxaa baaq ku sabsan tixgalinta haweenka ee kuraasta labadaasi doorasho dirtay guddoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadra Warsame Jaamac kaddib wareysi ay siiyay Goobjoog News.
Waxay sheegtay inay nasiib-darro tahay in gobollada ay Pyuntland ka kooban tahay ay ka waayaan mid hal xubin oo gobol kasta ay haweenku ku leeyihiin.




From the comments