Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu shir uga furmo madaxda dowlad goboleedyada oo intooda badan shalay gaaray magaaladaasi.
Kismaayo waxaa ku sugan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland oo martigelineysa shirkan, waxaana sidoo kale maanta halkaasi tagi doona madaxweynaha K/galbeed.
Inkastoo aan weli la shaacin ajendaha shirkan ayaa hadana guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada C/weli Gaas wuxuu sheegay in looga hadli doono guud ahaan xaaladda dalka.




From the comments