Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa aad u cambaareysay qaraxii shalay subax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta degmada Howlwadaag.
Wasaaradda bayaan ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in aad ay uga xuntahay qaraxa kaasi oo ay dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad badan oo ay ku jiraan caruur.
Bayaan wasaaradda waxaa lagu yiri “Waxaan aad u cambaareyneynaa weerarkan argigiso kaasi oo lala beegsanayo xasiloonida Soomaaliya”.




From the comments