Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeediyey Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa aad u dahliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Mudane Geelle Xaaf ayaa ka ashtikooday Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo madaxda ugu sarreeysa ku eedeeyay in ay kursiga ka kacsanayaan.
“Dowladda dhexe wax walba oo ay heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixannay, waxay dowladdu noqotay mid ka badin waydo Xaaf ha baxo, war hadde xaggee buu aadayaa odaygu” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf.




From the comments