Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada.
Isniintii shalay ayeey ahayd in shirkan uu furmo balse cillado farsamo awgeed ayaa la xaqiijiyey in shirkan u baaqday.
Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana shirkan looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka.




From the comments