Maalintii Labaad waxaa magaalada Kismaayo ka socda shirka golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, Shirkan waxaa shir gudoominaya guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ajandaha Shirka ayaa looga doodayaa Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada, waxa ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia, sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha guud ee Ammaanka dalka, doorashooyinka dowlad goboleedyada kale ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ka dhacaya.
Muhiimada Khubadaha Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka si guud loo eego sidii aan horay idiin kugu soo baahinnayba waxa ay suntanaayeen eedo culus oo ay u soo jeedinayaan madaxtooyada Soomaaliya.




From the comments