Sayladda Xoolaha Garowe ayaa waxaa saamayn ku yeeshay sicir bararka ka jira Garowe , iyadoo dollarku oo kor u kacay.
Yusuf Taleex oo ka mid ah dalaaliinta Waaweyn ee ka shaqeya salayadda Xoolaha Garowe ayaa ka warbixiyay Qiimaha Xoolaha iyo sida uu dollarka kacay uu sameeyay dadka iyo dhaq dhaqaaqa Ganacsiga.
Yuusuf waxaa uu tilmaamay in qiimaha xoolaha ay la socdaan sicirka meesha ay mareyso markaas lacagta dollarka iyo alaabaha kale, waxaa uu hoosta ka xariiqay in sicirka lacagta dollarka ee Suuqyada Garoowe ay tahay mid aan u sarreysa.




From the comments