Maanta waxaa magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eratariya uga billaabanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Dhiggiisa Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed shir qaadanaya laba cisho.
Saacado ka hor qoraal uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad oo qeyb ka ah safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkaasi looga arrinsanayo arrimaha dhaqaalaha, islamarkaana Soomaaliya ay muhiim tahay in ay ka qaadato doorkeeda.
Haddaba, Danjire hore Maxamed Maxamuud Caalim ayaa Goobjoog News ay ka wareysatay shirkani u gaarka ah dowladaha Itoobiya Eratariya iyo Soomaaliya waxa xilligani ku soo beegay, isagoo su’aal galiyay wax aan midowga Afrika iyo IGAD ka warqabin natiijada ka soo bixi karta.




From the comments