Kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa dowladda Norway ku cambaareeyey go’aankeeda ah in 1,600 Soomaali ah oo magan-galyo ahaan u joogay dalkeeda ay u soo tarxiileyso Muqdisho kadib markii ay sida ay sheegtay dalku uu nabad noqday.
Norway waxaa ay leedahay Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin soo baxday.
Kooxo badan oo u dooda xuquuqda qaxootiga oo ay ku jirto hey’adda Norwegian Organization for Asylum Seekers (NOAS) ayaa waxaa leeyihiin Soomaaliya weli nabad ma aha, macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga.




From the comments