Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay.
Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro.
Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay.




From the comments