Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.
Madaxweyne Geelle ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo kaalinta uu ka qaadanayo xal u helista amuuraha u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti, isagoona ku ammaanay dadaallada kale ee uu kaga qayb-qaadanayo isu soo dhaweynta waddamada Geeska Afrika.
Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qaabilaadda iyo marti gelinta wafdigii ka socday dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ee wadahadallada u tagay dalka Jabuuti.




From the comments