Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubbad (Daqare) oo ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dambi qaran ay tahay go’aankii ay ku dhowaaqeen madaxda dowlad goboleedyada oo ah iney hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.
Sharci ahaan ayuu sheegay in madaxdan ay muteysan karaan in laga gudbiyo dacwo islamarkaana xabsiga la dhigo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sidoo kale sheegay Daqare in dowlad goboleedyada tabashadooda qaar ay saxan tahay, balse ay waddo qaldan u mareen xallinta wixii ay ka cabanayeen.




From the comments